daajis.com:- Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa goordhaw codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey mooshin looga gudbiyay.
Kulanka Baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadiray 54-Xildhibaan waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha Galmudug.
Kadoodista Mooshinka kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudg waxa ay cod u qaadeen Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaana Baarlamaanka cod gacan taag ah ugu codeeyeen in ay kalsoonida kala noqdeen Guuleed.
Xildhibaan Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa noo sheegay in dhamaan Xildhibaanada 54-ta ah ay u codeeyeen in kalsoonida kala noqdaan Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.
Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay in ay baajiyaan kulanka Baarlamaanka ee maanta Kalsoonida lagala noqday Madaxweyne Guuleed, waxa ayna Ciidamada goor sii horeesay isku hareereeyeen guriga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanaka si uusan kulanka u furmin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at