daajis.com:- Musharaxa u tartamaya xilka Madaxwayne ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaannada labada aqal ee laga soo kal doortay deegaanada Puntland, waxaana uu musharraxu uu goobta kusoo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed iyo qorshaha uu rabo inuu ku hoggaamiyo dalka.
Farmaajo ayaa waxa uu khadubaddiisa diiradda ku saaray sida uu wax uga qabanayo arrimaha amniga dalka, kobocinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, xaquuqul-insaanka, ku dhaqanka Dastuurka, xiriirka beesha caalamka, iyo hirgalinta nidaamka federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyay ololaha Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo ku amaanay doorkii uu kasoo qaatay xasilinta Soomaaliya mudadii koobneyd ee uu ahaa ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG ahayd.
Xildhibaan Canab Xassan Cilmi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Garoowe laga soo doortay, horena u ahayd K/Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa tiri “Farmaajo dowladnimo ka horraysay ma jirto, waxaan xasuustaa dagaalkii uu la galay Shabaab, waxaan xasuustaa ciidankii uu daryeelay, waxaan xasuustaa dhaqaalihii uu noo kaydiyay, waxaan xasuustaa naafadii uu daryeelay, waxaan xasuustaa dareenkii shacabka Soomaaliyeed”
Kulankan ayaa qayb-ka ah Ololaha Doorasho ee uu Musaharrax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka wado magaalada muqdisho, waaana sidan oo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo xildhibaannada laga soo doortay deegaanada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Banaadir iyo Gobollada Waqooyi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at