DAAWO:- Xildhibaan Khadiijo Diiriye Oo Shir Jaraa’id Uga Hadashay Musharaxnimadeeda

DAAWO:- Xildhibaan Khadiijo Diiriye Oo Shir Jaraa’id Uga Hadashay Musharaxnimadeeda

daajis.com:- Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildh Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta shir jaraa’id ku qabatay hooyga ay ka degen tahay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay ololaheeda ku aadan musharaxnimada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 03-January-2017 waxaan si rasmi ah halkaan uga dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilkaasi oo aan aaminsanahay in aan leeyahay karti iyo qibrad hogaamineed oo ku filan qabashadiisa”ayey tiri Musharax Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Waxaan kale oo aan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo maalmahan waxaa dhegeheenna kusoo badatay hadii uu qof yiraahdo musharax in la yiraahdo yaa wata? Waxaan leeyahay Khadiijo Maxamed Diiriye Allaa wata wehel uma baahna, waxaan ahay qof ku tashanaysa garabka Alle iyo kalsoonida aan ku qabo walaalaheeyga Xildhibaannada Golaha Shacabka”ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Intii ay saxaafadda la hadleysay shirkeeda jaraa’id waxa ay uga hadashay arimmo fara badan oo ay ka mid yihiin doorka iyo dadaallada ay u gashay hirgelinta qoondada haweenka intii ay xilalka kala duwan soo heysay waxaana ay rajo ka muujisay in ay ku guuleysato qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Shirka jaraa’id ee musharax Khadiijo Maxamed Diiriye:-


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada