daajis.com:- Sheekh Shibli oo kamid ah Culimada Soomaaliya ayaa ka hadlay ololaha doorashada iminka ka taagan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somaaliya, Wuxuuna si gaar ah diirada u saaray lacagaha ay sida sharci-darada ah ay ku qaadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay ku badalanayaan Codkooda.
Go’aanka Xildhibaanada oo ah iney codkooda lacag ku badashaan ayaa lagu sheegay iney tahay mid danbi ah, islamarkaana Aaqiro iyo Adduun lagula xisaabtamayo.
Wuxuu sheegay Sheikh in Xildhibaanada mas’uul ka yihiin shacabka,islamarkaana wakiil kaga yihiin cida ay door bidayaan inuu madaxweynaha u yahay, Wuxuuna sheegay inay Laba danbi ku dhacayaan Xildhibaanada, Iyadoo marka Koobaad uu Qaadanayo Laaluush, Sidoo kalana Qof aan u Qalmin Xilka madaxwaynaha ay Dooranayaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay In Xildhibaano hadii Lacag Qaato, oo Qofka Musharaxa ah uu Dhaariyo, Inaan Hadana Lagu Lahayn Inuu u Codeeyo, Isagoo sheegay inay marka Horaba Dhaarta iyo Lacagtu tahay mid Xaaraan ah, Shareecaduna Aysan Qabin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at