daajis.com:- Fannaanka Axmed C/kariin Maxamed (Biif) ayaa Xalay laga hor istaagay bandhig faneed uu ku qaban lahaa hotel ku yaala Magaalada Muqdisho.
Fannaanka, ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in Magaalada Muqdisho, oo uu fanka ka bilaabay loo diido in bandhig faneed uu ku qabto, xilli aan wax sabab ihi loo sheegin. “Waa nasiibdarro in Caasimaddii Somaliya ee Muqdisho, oo aan fanka ka bilaabay la’ii sheego inaanan wax bandhig ah ku qaban karin.”
Fannaanka oo qorsheynaayay in bandhiga faneedkiisan uu ku qabto Hotel Samiira, ayaa dhinaca kale tallaabada lagu joojiyay waxaa uu ku macneeyay wax dadban.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasaaradda Diinta & Awqaafta, ay amartay inaanan wax bandhig faneed ihi lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, maalmaha sanadka cusub.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at