daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo eedeeyay Dowladda Federaalka ah “Shalay waxaa ka dhacay Muqdisho shir lagu xallinayey xuduudaha, waxaanu ka daawanay TVyada waxaa la yiri dowlad goboleedyada oo dhan baa loogu yeeray iyadoo la yiri in Hirshabelle ayaa ka qaybgashay shirkaasi looga hadlayey xuduudaha, Balse xaqiiqdu waxay tahay kama qeybgelin , nalagama talo gelin , waxaa intaasi naloosii raaciyey masabid ah inaan ka qaybgelay shirkaasi.
Waxaan u sheegayna dowladda Federaalka ee Soomaaliya anoo rajeynaya in golaheeda wasiirada cusub in la ansixiyo, waxaan u sheeegayna Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha inaan ka biyo diidsanahay qaabka ay howlwadeenada wasaarada arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ay ula mucaamalaan dowlad goboleedka Hirshabelle , iyadoo aan anagu ognahay khaladaad fara badan oo ay galeen, balse mar walbo aan la hadalno hadana ay muuqatay inay ka dhega adeygayaan balse hada soo gaartay heer laga hadlayo arrimo xasaasi ah.
Waxaan aragna mar hadii shirkii xuduudaha looga hadlayey ee xasaasiga ahaa nalaga qariyey naloo sheegin, balse shacabka iyo calaamkaba markhaati looga dhigay inaanu ka qaybgelnay raalina kanahay wixii howl ah ee meeshaasi ka socda ujeedka inuu yahay in loo soo socdo kheyraadka Hirshabelle leedahay”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:00 and have
, Published at