daajis.com:- Madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia ayaa kullan Khaasa ka yeeshay qodobo dhowr ah oo aan qaarkood leysku afgaran, waxaana lasoo warinayaa in Qodobada ilaa iyo hadda leysla fahmay ay yihiin ilaa 4 qodob oo miisaan leh.
Madaxweynaha Somalia ayaa wadahadalka kala dhexeeya Uhurro Kenyatta diirada ku saaray baahiyaha Somalia kaga xiran Kenya, waxa uuna si gaara diirada u saaray dhameystirka qodobo gaara oo qabyo u ahaa Kenya iyo Somalia.
Waxaa labada Madaxweyne miiska u saarnaa ilaa 16 qodob oo la rumeysan yahay in lagu soo celinkaro xiriirka labada dal, waxaana iminka lagu guuleystay in leysku afgarto ilaa 4 qodob.
Qodobada 4ta ah ee iminka lagu heshiiyay ayaa maslaxad ugu jirtaa Somalia oo sanadahaani ka caagan duulimaadyada Nairobi iyo Muqdisho, waxa uuna qodobkaasi noqonayaa kan ugu wanaagsan, marka la’eego Somalia.
Qodobka labaad ee la oran karo waxa uu isbedel dhanka duulimaadka ah u keeni karaa Somalia ayaa ah in Baasaboorrada Service iyo Diplomatic ee Soomaaliya Visaha Kenya lagu siin doono ON ARRIVAL ama Garoommada Kenya.
1-In Ciidamada Kenya laga saaro Dekadda iyo Garoonka Kismaayo.
2-In Taliyayaasha, Saraakiisha ciidanka Kenya ee Kismaayo xiriir toosa la sameeyan Wasaarada Gaashandhiga Somalia, halka ay xiriir kala sameyn jireen Jubbaland.
3-In Ciidamada Kenya ee laga saari doono Garoonka iyo Dekadda Kismaayo xoogooda la geeyo xadka labada dal, iyadoo lagu biirin doono ciidamo dheeri oo Soomaali ah.
4-In labada Madaxweyne ay si wada jira u booqdaan furumaha ciidamada labada dal ee ku yaalla Xadka Kenya iyo Somalia, si loo xoojiyo xiriirka iyo iska warqabka labada dal.
5-In Ciidamada Kenya iyo kuwa Somalia ay si wada jira u qaadan duullaanka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo aan lagu haleyn doonin Ciidamo gaara, maadaama Ciidamada Kenya aysan inta badan ka qeybqaadan howlgalada.
Geesta kale, Labada Madaxweyne ayaa qalinka ku duugay in wadahadalkooda uu noqdo mid joogta ah, iyadoo lagu dhameystiri doono howlaha qabyada u ah labada dal, waxaana la xaqiijin doonaa marka hore fulinta 4ta qodob ee aan horay usoo sheegnay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at