Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu saacadihii u dambeeyay go’aansaday inuu ka qeyb galo shirkaas, iyadoo warar horay u soo baxayay ay sheegayeen inuu uga baaqsan rabo, sababo ku aadan kalsooni raadinta Xukuumadda, taasoo lagu wado in maalinta Arbacada la hor-geeyo Baarlamaanka.
Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ah kii 28aad ayaa waxaa ka qeyb galaya 16 Madaxweyne iyo Boqoro, waxaana uu si rasmi ah u furmi doonaa maalinta Arbacada ee taariikhda ku beegan tahay 29 March.
Shir Madaxeedkan ayaa ka duwan kii sanadkii hore lagu qabtay Dalka Mauritania oo ay ka qeybgaleen sideed hogaamiye oo qura, waxaana la xasuusan yahay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaasi sababo ku aadan ololihii doorasho ee uu ku raadinayay in xilka uu markale loo doorto, halka hogaamiyeyaasha kale ee Carbeed ay quursadeen qaban-qaabada iyo marti sooridda dalkaasi.
Shir madaxeedkan ka dhacaya dalka Jordan ayaa lagu tiriyaa kii ugu badnaa ee hogaamiyeyaasha Carabta ay ku kulmaan, waxaase maqnaan doona illaa iyo lix Madaxweyne oo aan la caddeyn sababta maqnaanshahooda.
Waxaa kaloo xusid mudan in Kursiga Suuriya ee shirkaas uu noqon doono mid maran oo aan cid matasha uga qeyb geli doonin, iyadoo sanadkii 2011 la xanibay kursiga ay ku mataleyso Suuriya, tan iyo markii dalkaas uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar Al Asad.
Shir Madaxeedkan ayaa waxaa markii ugu horeysay ka qeybgali doona laba Madaxweyne oo cusub oo kala ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Michel Aoun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Lebanon .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at