daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale sheegay in dowladiisu ay sida AlShabaab ula dagaalami doonto Kooxaha ku howlan musuqmaasuqa, Wuxuuna Sheegay in si gaara uu u ugaarsan doono kuwa ku sifoobay Musuqa Hantida Qaran waxa uuna dhanka kale iclaamiyay dagaal si wada jira loola galo Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in Afarta sano ee soo socota Dowladdiisa in ay ka shaqeyneyso oo ahmiyad gaar ah ay siineyso la dagaalanka Musuq maasuqa, Waxa uu taa ku sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay hareeyeen Hay’adaha Dowladda musuqmaasuq kala dilay Mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in horumarka Somalia uu yahay mid ku jira la dagaalanka Musuqmaasuqa, Waxa uu ku celcelshay in Alshabaab iyo Musuq maasuqa aysan waxba is dhaamin, loona baahan yahay in lala dagaalamo.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at