daajis.com:- Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Danjire Micheal Keating oo Socdaal ku jooga Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamad Maaxamuud Siilaanyo.
Danjire Keating ayaa Socdaalkiisa wuxuu ku sheegay ujeedka ugu weyn ee uu Somaliland u yimi in ay tahay u kuur Galka Xaaladda Abaarta ee Deegaanada Maamulka Somaliland.
Dhanka kale mar Saxaafadda Hargeysa Su,aalo ka waydiisay Arrimaha Dekadda Magaalada Berbera ee Imaaraadku la wareegay iyo Saldhiga Militeri ayuu Mr Keating ka gaabsaday in uu si faahfaahsan uga hadlo Arrimahaas wuxuuna Hadalkiisa kusoo gaabiyey in kaliya la ogal yahay wixii aan sharciga Caalamiga ah aan Baal-marsaneyn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at