daajis.com:- Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo Labadii Bilood ee Xukuumada Cusub ay Jirtay Qaatay Mushahaarka iyo Xuquuqda kale ee ay Leeyihiin ayaa Sameeyay Tallaabo dad badan ku Noqotay Lama Filaan, waxayna Saraakiisha iyo Ciidanku Lacag badan 50-kun oo Dollar ku Wareejiyeen Gudiga Gurmadka Abaaraha.
Sheekh Nuur Baaruud oo kamid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay inay Culays ku qabeen sidii Xaquuqda Ciidanka loo Raadin lahaa, Balse aysan ka Filaynin inay maanta iyagu lacag u keenaan.“Waxaan Lahayn maa Ciidanka wax la siiyo, Mushaharka maa lasiiyo, Hada Ciidanbaa wax idin siinaya Isma aanu Lahayn, Laakiin Lacag badan ayaad nasiiseen”
Waxaa Iyaguna Halkaasi si wada jir ah uga hadlay Saraakiisha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Xooga dalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at