daajis.com:- Waxaa magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka ku sugan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Madaxweynaha Somalia ayaa kulan khaasa la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaana la xaqiijiyay in shirkooda uu yahay mid khuseeya xadgudubyada ay Imaaraadka ku heyso Somalia.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Imaaraadka ayaa kawada hadlay Heshiiska ay la galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland.
Farmaajo waxa uu Imaaraadka ka dalbaday inay joojiyaan Heshiisyada lala baalmaraayo dowlada Somalia, sida Heshiiska Dekadda Boosaaso iyo Berbera.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiday in lasii ambaqaado Heshiiska waxa uuna Imaaraadka ka dalbaday inay dib usoo bilaabaan Heshiiska isla markaana lala galo DFS.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka hor imaaday laba qodob oo kala ah:
1-In dib loo soo bilaabo Heshiiska Saldhiga magaalada Berbera, maadaama uu soo dhamaaday.
2-In Shirkada ka howlgali doonta Dekadda Berbera la hoos geeyo Wasaarada Dekadaha Somalia, mudada ay ku howlan tahay dhisida Dekadda.
Madaxweynaha Somalia ayaa isna ka biya diidan in Heshiiska Imaaraadka la gashay Somaliland iyo Puntland lasii wado, halka Imaaraadkuna ay dalbaneyso in laga fiirsado Heshiisyada soo socda maadaama kuwaani ay yihiin kuwo dhacay.
Lama oga waxa kasoo bixi doona shirka, inkastoo Dowlada Imaaraadka ay isku howleyso in DFS ay ku qanciso Maskax.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at