daajis.com:-Waaxda Maaliyadda ee Xukumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in 60 Maalmood kadib la soo afjaray Dhamaan Musuq Maasuqii ka taagnaa Dekedda Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Baylle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku guuleestay in uu soo afjaro Musuq Maasuqii ka jiray Dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana uu kordhay Dhaqaalaha Dowladda Ka soo gala Dekedda.
Wasiir Baylle ayaa sheegay in markii hore Dekedda Maalinta laga heli jiray lacag dhan $150,000 hadana ay ka soo xarooto lacag dhan $300,000 Isagoo u mahad celiyay Shaqaalaha Wasaaradda ee la dagaalama Musuq Maasuqa.
Waxaa uu sheegay waxyaabaha lagu guuleystay ay ka mid aheyd kulamo badan iyo kormeero lala yeeshay waaxyaha canshuuraha iyo shirkadda gacanta ku heysa Dekeda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay yareeyeen lacagihii kiishka lagu wadan jiray ee canshuruaha lagu bixinayay, isagoo xusay in canshuurta ay bilaabatay inay ku dhacdo Akoon, taasna ay sabab u tahay waxyaabaha yareeyay musuq maasuqa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa Balan qaaday in ay Dowladda bixin doonto Mushaaradka Shaqaalaha Dowladad Sida ugu dhaqasiyaha badan bil walbana ay heli doonaan Xuquudooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at