daajis.com:- Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta gantaal hawada ku qaban kara gantaalaha qaaradaha iskaga gudba ee ay dhici karto in Maraykanka lala soo beegsado.
Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Woqooyi.
Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga ganay saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacific-ga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiiradaha Marshalls.
Todobaadkan horraantiisii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay samaysay tijaabadii sagaalaad ee gantaalaha nooca ridada dheer ah sannadkan gudihiisa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at