daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka hadlay wararkii sheegayo inuu soo jeediyey in Ciidamada Qaranka Soomaaliya loo soo xulo qaabka 4.5.
Waxaa maalmihii dambe soo baxayey warar sheegayey inuu Madaxweynaha Puntland soo jeediyey in Ciidamada loo sameenayo Soomaaliya loo soo xulo habka ay Qabiilada Soomaaliyeed u qeybsadaan awoodda dowladda ee ah 4.5.
Haddaba Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa ka dhawaajiyey inuusan arrintaan soo jeedin isla markaasna uusan aaminsaneyn in Ciidamada Qaranka loo xulo hab qabiileed loona baahan yahay in la helo Ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh isla markaasna soo celiyo sharaftii Umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay inay Ciidamada Soomaaliya loo sameynayo ay noqdaan kuwa leh astaan qaran.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey sida ay Puntland uga guuleysan karto dagaalka ay kula jirto Ururka Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ee maalmihii dambe howgalo qaraxyo iyo dilal ah ka fuliyey deegaanada Puntland.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneyso inay dhawaan sameyso ciidamo Qaran oo badalo kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan wax ka badan 10 sano.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:46 and have
, Published at