daajis.com:- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safarro uu mudooyinkii u danbeeyay ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aaday dalka Sucuudiga halkaa oo uu kusoo cumreeystay, wuxuu intaa kadib safar gaaban ku tagay dalka Itoobiya, waxaana intaa kadib uu dib ugu laabtay dalka Kenya, halkaa oo uu soo kasoo ambabaxay.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo intaa kadib ka tacsiyeeyay geeridii ku timid wasiirkii dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland ee ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:26 and have
, Published at