daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa ugu qeybgalay Somalia shir madaxeedka midowga Afrika ee ka furmay caasimada Addis Ababa kaasoo lasoo gabagabeyn doono Tallaadada.
Shirka Midowga Afrika ee RW Kheyre ka qeybgalay ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta ururka midowga Afrika iyo bajadka dhaqaale uu ku shaqeynayo iyo xasaradaha ka taagan gobolka.
RW Kheyre ayaa kulamo kala gooni ah la yeeshay madax ka tirsan Africa iyo masu’uuliyiin, waxaana ka mid ah madaxdii uu la kulmay guddoomiyaha bankiga Afrika Akinwumi A. Adesina, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo hadda ah madaxa guud ee hay’adda WHO iyo madax kale.
Dhinaca kale ayaa shaaciyey inay Itoobiay kasoo Wareejin doonaan Soomaali badan oo Halkaasi ku xidhan, “Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu wareejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la sashay” ayu yidhi Khayre.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at