daajis.com:-Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo shalay gelinkii dambe ka furmay Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shalay guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada.
Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay keddib furitaanka shirka ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.
Waxaa ka qayb galaya shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada, iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at