daajis.com:- Ururka Al shabaab ayaa saaka weeraray deeganka Farlibaax oo qiyaastii 45 KM dhanka Galbeed ka xiga magalaada Baladweyne iyagoo halkaa ku diley hal ruux afduubtay 3 dumar ah oo u shaqeynayay ha’yad maxali ah oo ka howlgasha gobolka Hiiraan.
Iskahorimaad kooban oo ka dhacay deeganaka Farlibaax ayaa waxaaku dhintey mid kamid ah ilaalada haya’ada maxaliga ah. Saddexda gabdhood oo ka mid ah shaqaalaha ha’yada maxali ah oo ka shaqeysa arrimaha miino baarista ayaa la sheegay in ay Al shabaab ay ka afduubteen deeganka Farlibaax islamarkana ay dileen wiil dhalinyaro ah oo la shaqeynayay ha’yada.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka ayna sidoo wateen gaadiid ay leeyihiin ha’yado ka howlgala deeganka kuwaaso gaarayay ilaa saddex gaari.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at