daajis.com:- Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa baaraysa, iskuna dayeysa inay soo hesho gabadh soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo ay bannaantahay cawradeedu.
Gabadhu markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn.
Gabadhan oo lagu magacaabo “Khulood” oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay muuqaalkan oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir.
Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xiro maadaama oo ay jabisay shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaas Muslimka ah.
Qaar kale oo ka mid ah dadka Sacuudiga ayaa ammaanay “geesinimada” gabadha.
Hoos ka daawo muuqaalka
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEh8vIoGP1U6VH5MzV2qVKsp6iU4re9y6LyZrLzSCzA8cdvt4hqe8xxgQnurTk6YYLb1_phlichnNnW9pjNIZeLBWQElFonNj54kihq8UHhxexGCTgIOeNUKpJSjPIa5LIRZay64wBQJx_4/s640/sacudiga.jpg)
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:44 and have
, Published at