daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay muran ka dhashay lacagta loo qoondeeyey maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku jirtay miisaaniyadda ay dowladda soo bandhigtay.
Muranka ayaa yimid, kadib markii la ogaaday in lacagta ugu badan ay helayaan Puntland iyo Jubaland, halka maamul goboleedyada qaar ay kusoo aaday lacag aad u yar.
Lacagtan ayaa u kala qoondeysan sidan:-
Puntland $ 4,675,000
Jubbaland $ 2,695,000
Galmudug $ 1,425,000
Koofur Galbeed 1,425,000
Hirshabeelle 750,000
G/Banaadir $ 7,000,000
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in marka hore lacagta aysan ahayn mid ay dowladda siineyso maamul goboleedyada, balse ay tahay lacag ka imaneysa Bank Aduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah.
Wuxuu sheegay in lacagta loogu talo-galay mashaariic laga fulinayo maamullada dalka, ayna u kala badan tahay sida mashaariicda u kala badan yihiin, una kala horreeyeen.![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiHBLQXKsQArc0F17EzOmxgMZuxW_-Pk54LnQbPVOuKBaYaLd4L6H8HG75S6t3K-sxusbCfwogDa_QZSP7eMY5UOXZREFoWO7rVMjAuMtpoeo0iHCoZz0cEJlMhGJjQapnibgc1rDXhRsg/s640/beyle.jpg)
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEiHBLQXKsQArc0F17EzOmxgMZuxW_-Pk54LnQbPVOuKBaYaLd4L6H8HG75S6t3K-sxusbCfwogDa_QZSP7eMY5UOXZREFoWO7rVMjAuMtpoeo0iHCoZz0cEJlMhGJjQapnibgc1rDXhRsg/s640/beyle.jpg)
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku xiran tahay sida mashaariicda loo kala ogolaaday, taasina aya tahay arrin dowladda aysan shaqo ku lahayn.
Waxa uu sheegay in maamulada cusub ee dhowaan la sameeyey sida Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, ayagana ay markooda heli doonaan mashaariic, lagana yaabo inay ka bataan Puntland ama Jubaland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:08 and have
, Published at