daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koofurta Somalia ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ba’an ka geysteen deegaano ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Shabaab.
Duqeymaha oo ahaa kuwo is xigxigay ayaa waxaa lala bartilmaameystay Saldhigyo ay maleeshiyada ku lahaayen degaanka Kulbis oo duleedka ka ah Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Duqeynta oo ay geysteen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dhawaan loogu deeqay dowlada Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Gantaalo dhowr ah ayaa la sheegay in diyaaradahaas ay ku dhufteen ilaa laba Saldhig oo mid kamid ah xiligaa uu ka socday dhaqdhaqaaq ay wadeen Shabaabka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Waxa ay sheegeen in shaqsiyaadka la tuhmaayo inay ku dhinteen duqeynta ay ku jiraan Saraakiil oo uu ku jiro wakiilka Shabaab ee Gobolka Gedo.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo uga geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha qaar ay waxyeelo ka soo gaartay xoolo.
Ma jiro wax haddal ah oo kasoo baxay Wasaarada Gaashandhiga Kenya ee ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at