daajis.com:- Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay talaabo muhiim ah horay ugu qaaday sidii loo soo wareejin lahaa maamulka hawada kaddib markii maanta ay la soo wareegtay Raadeer cusub oo qeyb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalka oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya.
Dawladda waxaa ay sheegtay in ay bilaawday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.
Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo uu ka qeybgalay wasiirka ayaa arintan laga sheegay.
Mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada ayaa sheegay in la bilaabayo dhigista iyo dhisida qalab cusub oo sida ay hadalka u dhigeen laga maamuli doono hawada Soomaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:21 and have
, Published at