daajis.com:- Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo u taagan Musharaxnimada Kursiga Xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay inuu sharciga la tiigsan doono Telefishinka Universal TV ee xaruntiisa tahay London.
Faarax Macalin ayaa ka carooday Barnaamijka Faaliyaha oo ah barnaamij qosol wareedka ah oo lagu soo qaato siyaasiyiinta, isagoo xusay in barnaamijkan looga gol leeyahay in sumcada lagaga dilo, markii la arkay inuu ugu cad cadahay doorashada kursigaas, isla markaana ku guuleysan doono sida uu yiri.
“Universal waxay sameeyeen wax aan xaqiiqo aheyn, sharciga ayaa la tiigsanayaa, aniga xoog uma adeegsanayo, laakiin meel kasta ayaa dacwad uga furi doonaa, meel kasta ay galaan waa ugu daba galayaa, Al-Shabaab inay ka naf ka doontaan waa gooni. adduunka meel kasta sharci ayaa yaalo”ayuu yiri Faarax Macalin oo la hadlayay Telefishinka RTN ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:15 and have
, Published at