daajis.com:- Puntland ayaa ka digtay in la dhaqangaliyo xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya, kaasi oo bishii hore ay ansixiyeen gollaha wasiiradda ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Khayre.
Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayuu ku eedeeyay Wasiirka Isgaarsiinta federaalka inuu baalmaray wixii lagu heshiiyay shirkii bishii may ka dhacay muqdisho, islamarkaana uu xagal-daacinayo shir ka dhici lahaa magaaladda Kismaayo oo laga hadli lahaa xeerka isgaarsiinta Soomaaliya.
Si kastaba Dowladda gobol kasta waxaa ugu jira wakiillo heer xukuumadeed iyo heer sharci dejinba, misna waxaad maqlaysaa Maamul X Ama Y waa in lagala tashtaa, taasi ma waxay ka dhigan tahay in wakiillada gobolka laga soo doortay iyo dadka magaca gobolka ku haya xilalka dowladdu inaysan metelin gobolka. Hadda sharciga isgaarsiintu muxuu gaar ah oo u dhibayaa Puntland?
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:21 and have
, Published at