daajis.com:- xajjUrurka Xuquuqul insaanka ee Qadar ayaa xukumada Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay siyaasadeynayso arimaha xajka.Qadar waxay Sacuudiga ku eedeysay in muwaadiniinta Qadar ee sanadkan Xajka gudanaysa lagu wargeliya in Dooxa oo kaliya kasoo dhoofi karaan Sacuudigana ee kasoo geli karaan laba magaalo oo kaliya(Jiddah iyo Maddina).
Qadar waxay dacwada Sacuudiga ka dhan ah ugudbisay Qaramada midoobay iyo UNESCO waxayna Sacuudiga ku eedaysay inuu ku xadgudbay xuquuqda muwaadiniinta Qadar uleeyahay in si xor ah diintooda ucaabudaan.
Sacuudiga,Imaaraadka,Baxreyn iyo Masar ayaa bilowgii bishii June ee lasoo dhaafay cunaqabateyn dhan walba ah kusoo rogay dalka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay argagixisada taageerto.Turkiga iyo dala kale oo reer galbeed ah ayaa isu dayay inay xal uhelaan khilaafka udhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ee Sacuudigu hogaaminayo balse waa lagu guuleysan waayey.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at