daajis.com:- Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tegay maanta dekadda magaalada Kismaayo, waxaana booqashadaasi ku wehliyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dekadda Kismaayo ay ka mid tahay afarta dekaddood ee ugu waaweyn Somalia, balse aysan dowladda arag canshuuraha kasoo baxo.
“Waxaan saakay booqday Dekadda Kismaayo oo ah ilaha dhaqaale ee dalka, sidoo kalena ka mid ah 4-ta dekedood ee ugu weyn dalka..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay u ahayd markii ugu horeysay ee uu booqdo magaalada Kismaayo.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Kismaayo ku sugan, halkaasi oo shirkii khamiislaha ahaa maanta ay ku yeesheen guriga martida ee Kismaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at