daajis.com:- Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta mar kale dib uga bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu hakad ku jiray.
Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay mar kale maanta isugu yimaadeen shirkoodii u socday maalmihii la soo dhaafay, iyagoo ka doodaya qodobo ku aadan amniga dalka iyo dhismaha ciidamada.
Shirka ayaa Khamiistii la soo dhaafay oo lagu waday in la soo gaba gabeeyo u baaqday caqabado ka dhashay qaabka lagu saleynayo dhismaha ciidamada, oo dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Madaxda.
Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku heysta dowladda Federaalka in talo laga siiyo go’aanada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama dalku yahay Federaal.
Arrimaha ugu weyn ee dooda laga keenayo ayaa waxaa ka mid ah go’aankii dowladda Federaalka ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka Khaliijka, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay saluugeen arrintan.
Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war murtiyeed.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at