daajis.com:- Waxaa magaalada Doha ee dalka Qatar gaaray qeybtii ugu horeysay ee Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ugu imaan jiray Sacuudiga oo xayiraad dhulka, cirka iyo badda kusoo rogay.
Lo’daan ayaa ka yimid dalka Jarmalka waxaana qorshuhu yahay in ilaa 4.000 neef oo caano badan la gaarsiiyo Qatar, iyadoo qeybtii ugu horeysay lagu daabulay diyaaraddo.
Caanaha laga lisay 165 sac ayaa durba la bilaabay in loo iib geeyo suuqyada Qatar. taasoo dabooli doonto baahida badan ee caana la’aanta ka jirta Qatar.
Shan todobaad ayaa laga joogaa cunaqabatayno dhanka hawada, dhulka iyo badda ah ee la saaray Qadar taasoo jahwareer abuurtay maaadaama oo bulshada halkaas ku nool oo 2.7 milyan ah ay waxyaabaha aasaasiga ah ka heli jireen dalka dibaddiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:12 and have
, Published at