daajis.com:- Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliy Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa booqasho qaadatay afar malamood ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, 10-14-kii July, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Intii lagu guda jiray socdaalkiisa ayaa Jeneral Cirfiid wuxuu la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mahmoud Hijazi, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada dalka Soomaaliya.
Jeneral Cirfiid ayaa dowladda Masar weydiistay taageero farsamo iyo barnaamij tababar oo loo fidiyo ciidamada cusub ee kusoo biiraya milatariga Soomaaliya.
Hijazi ayaa ogolaaday inuu codsiga Cirfiid u gudbiyo madaxweynaha dalka Masar Abdifatah al-Sissi, islamarkaana dhabbaha loo xaaro heshiis milatari oo dhex mara xukuumada Qaahira iyo Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan ballaarineysay iskaashiga milatari ee ay la leedahay dalalka kale, ayada oo dhowaan madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ogolaaday inuu 300 oo askari usoo diro saldhigga Turkiga ee Muqdisho bisha August, si ay u tababaraan ciidamada Soomaalida.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at