daajis.com:- Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Qeybdiid ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ah guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6 cod, halka uu C/raxmaan Faroole ka helay 4 Cod, waxaana ku adkaaday doorasadii Cabdi Qeybdiid oo 10-kii xubnood ee Guddiga ay 4 ka mida siiyeen codkooda.
Haddaba dagaal dhanka afka ah ayaa ka dhex bilowday Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebook, kaasoo ku saabsan tartankii adkee ee dhex maray Faroole iyo Qeybdiid, kaasoo ugu dambeyntii guuldaro adag lagu dhuftay Faroole.
Dadka kala duwan ayaa fikirkooda kasoo dhiibtay arrintaan, iyadoo kuwa qaarna ay sheekada u badaleen nooc kale.

Waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa qaar ka tirsan fikradihii ugu xiisaha badnaa ee maanta la isku dhaaftsaday Baraha Bulshada:


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at