daajis.com:- Madaxweynaha Jubaland ayaa Baarlamaanka usoo xidhay kalfadhigii 3-aad, waxaa sidoo kale munaasbadda xiritaanka goobjoog ka ahaa Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo katirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.
Senator C/raxmaan Faroole oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay sida loogu sharfay in uu kasoo qeybgalo munaasabadda xiritaanka kalfadhiga baarlamanka Jubaland, isagoo mudaneyaasha kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan shacabka ay matalaan.
Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadlay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay dowladnimada iyo sida ay muhiimka u tahay in mudaneyaasha baarlamanku ka shaqeeyaan adkeynta dowladnimada iyo weliba in ay had iyo jeer culeyska saaraan sidii ay cod ugu noqon lahaayeen shacabka ay matalaan.
Wuxuu soo hadal qaaday Mooshinka laga keenayo madaxda dalka, isagoo xusay in dalka uu haatan ku jiro dib usoo kabasho, islamarkaana aan la gaarin waqti qofka lagu dhaliili karo wax qabad la’aan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:51 and have
, Published at