daajis.com:- Saddex sarkaal oo ka tirsnaa militariga dalka Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen diyaarad kuwa ciidamada ah oo ku bur burtay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Jabuuti.
Diyaarada ayaa la sheegay markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Jabuuti markiiba ku dhacday meel aan wax badan ka fogeyn garoonka.
Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Col Ibraahim Cabdullaahi Geelle oo la sheegay in ku dhawaad 40 sano ahaa duuliye diyaaradaha yar yar oo kuwa militariga ah iyo labo gabdhood oo magacyadooda lagu kala sheegay Hodan Axmed Yuuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim oo labaduba la sheegay in loo waday tababar dhinaca duulimaadyada ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:25 and have
, Published at