daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, iyadoo soo gaarsiisay warqad ay ka sidday Midowga Yurub oo dawladda Federaalka loogu caddeynayey garab-istaaga iyo wadashaqeynta buuxda.
R/wasaare Khayrre ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey warqada, ballanqaadka iyo taageerada dhinac walba ah ayaa yiri: “Waxaan Safiirada iyo Midowga Yurub uga mahadceliyey warqada qoraalka oo ay ku caddeynayaan sida ay diyaarka ugu yihiin garab-istaaga dhan walba ah. Midowga Yurub waxey 2 Million oo Euro ay ku bixiyeen taageerada Booliiska, halka 2 Million oo kale ay ugu talogaleen in 1000 dhalinyaro ah shaqo loogu abuuro, 300 oo kamid ahna jidka 30ka lagu kabo iyo in Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo qeyb ka mid ah dhaqaalahaas.”
Safiirada Midowga Yurub Venonique Lorenzo ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay garab istaagayaan dawladda, warqadan aan Ra’iisul Wasaaraha u keenayna waa caddeyn sida ay nooga go’antahay taageerada dowlada Federaalka. Jawaabtan ayaa ah codsi uu Ra’iisul Wasaare Khayre ka codsaday Midowga Yurub. Safiirada ayaa sheegtay inay kalsooni weyn ku qabaan Dowladda Federaalka iyo madaxdeeda, diyaarna u yihiin inay sii xoojiyaan taageeradooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:02 and have
, Published at