daajis.com:- Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool) oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Somaliland, ayaa si wayn uga Hadlay Qadiyada Kaniisad laga furay magaalada Hargeisa, Wuxuuna sheegay hadii aan la xidhin inay tahay Al-babaab lagu dhaawacayo Diinta Islaamka oo la furay, Wuxuuna Wasiirka diinta iyo Awqaafta usoo jeediyey inuu Alle ka Cabsado, kadib markii uu Arintaasi Sharciyeeyay.
“Wasiirka waxaan leeyahay Alle ka Baq, Inaad maanta adigoo nin Caalim ah aad adigu Sharci ka dhigto, in Goobo Kirishtaan ah la sameeyo, wax celinayaa ma jiraan Beri in goobo kale la sameeyo” Ayuu yidhi Dhakool.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in dadka Haysta Baasabooradu ay arintaasi ka baqayaan inay Ka hadlaan, Wuxuuse Xusay in Laga Cabsado Alle oo keliya, Islamarkaana la ilaashado Diinta islaamka.
“Waa Fidno Albaabkeedii la furay, Hala ilaashado diinteena, Hadii maanta Kaniisad Sharci laga dhigo, Wax diidaya ma jiraan Inay Berito dhahaan waanu ka Badanay oo Afar kale ayaanu dhisanaynaa wax u diidaya ma Jiraan, Albaabkaa hala xidho” Ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:25 and have
, Published at