daajis.com:- Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dawladda Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada Jowhar, iyadoo Kulamo looga hadlayo Xiisada Halkaasi ka taagan la qaadanayaan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, Waxayna Wafdigan la kulmayaan dhinacyo kala duwan.
Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd qorshaha xilka looga qaaday, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu bur burinayo Maamulka Hirshabeelle.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at