DF-Soomaliya oo taageertay go’aankii xilka looga tuuray madaxweyne Cosoble

DF-Soomaliya oo taageertay go’aankii xilka looga tuuray madaxweyne Cosoble

daajis.com:- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mowqif cad ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiiradii Jowhar u tagay xaqiiq raadinta, waxaana ay Golaha uga warbixiyeen kulamadii ay la qaadeen dhinacyada kala duwan ee maamulka.

Golaha Wasiirada ayaa markii dambe ayiday go’aanka Baarlamaanka Hirshabeelle ee xil ka qaadistii Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa gaba gabadii kulankaas saxaafada u akhriyay war murtiyeed ku aadan mowqifka dowladda ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle, wuxuuna sheegay in la tixgeliyay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ee ay gaareen 14-kii bishan.
Sidoo kale Wasiir Juxa ayaa sheegay in muddo 30 cisho gudahood lagu qabto doorashada Madaxweynaha cusub, isla markaana la sameeyo Guddi doorasho, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kormeereyso farsamo ahaan.
Wasiirka ayaa sheegay inay taageerayaan talada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ee ah in xilka Madaxweynaha ay u tartanto Beesha Xawaadle oo kaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada