daajis.com:- Dowlada Qadar ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Qarax ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibadda Qadar ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay afafka hore ee Masjidka ku dhexyaal xabsiga dhexe ee Xamar oo uu ku dhintay hal Askari.
Qadar waxa ay sheegtay in Qaraxaasi uu weli muujinaayo jiritaanka kooxaha falaagada ah ee Shabaab kuwaa oo kasoo horjeeda nidaamka dowlada Federaalka ah ee Somalia.
Qadar waxa ay sheegtay inay nasiib darro tahay in maleeshiyaadka ay mar waliba fuliyaan weeraro aan laga gaarin danihii laga lahaa.
Waxa ay Qadar tilmaantay inay joogteyneyso garab istaaga dowlada Somalia isla markaana ka taageeri doonto dhinaca militeriga.
Sidoo kale, Qadar ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay meel uga soo wada jeestan waxa loogu yeero falaagada Shabaab.
Haddalka ku aadan Qaraxa ee kasoo baxay Qadar ayaa kusoo beegmaaya xili uu meel wanaagsan maraayo xiriirka Qadar iyo Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at