daajis.com:- Maleeshiyaadka Shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka ay ololaha doorsho ku dhigtaan Musharaxiinta Xisbiga Jubilee ee uu ka tirsan yahay Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.
Maleeshiyaadka ayaa gaariga kasoo afduubtay mid kamid ah magaalooyinka dalka Kenya xili uu ku guda jiray baahinta ololaha.
Gaariga oo noociisa uu yahay Cabdi Bile lagu xiray biro ayaa waxaa ka muuqday magaca Xildhibaan Mohamed Ibraahin Mohamed oo ka tirsan Kenya iyo sumada Xisbiga Jubilee.
Qoraal ay baahisay Maleeshiyada ayaa waxa lagu sheegay in gaariga laga soo qafaashay Kooxda xisbiga u qaabilsan ololaha Madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii ay wadada ugaleen.
Maleeshiyada ayaa soo bandhigtay gaariga oo ay dusha sare ka saaran yihiin dagaalyahaano kasoo jeeda dalka Kenya, kuwaa oo fariin u diray shacabka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at