daajis.com:- Shirkaddaha iyo duulimaadyada maalin walba yimaada garoonka diyaaraddaha Muqdisho ayaa laga dareemayaa koror ku yimid afartii sano ee u danbeysay.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa ballaariyay duulimaadyadooda gudaha ah ee u kala gudbaya gobolo badan oo horay aysan suurto gal u ahayn in la tago.
Sidaasi oo ay tahay shirkaddaha duulimaadyada faraha badan ee ka howlgala gudaha dalka iyo dalalka Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Imaaraatka ayaa qiimahooda wax isbadal ah uusan ku imaan.Shirkadda Jubba Airways, Daallo iyo African Expres oo dalalka deriska ah duulimaadyo toos ah ku taga ayaa lacagahpoda isku mid ah, mana jirto wax tartan ah oo lacagaha ay macaamiisha ugu sameeyaan, mid walbana waxaa u govan hal qiimo, qofkii raba Kenya wuxuu ku tegayaa $400 ilaa $450, halka shirkadda Jubba iyo Daallo oo duulimaadyadooda ay gaaraan Duba qofkiiba ka qaadaan lacag u dhaxeysa $650 ilaa $700 oo sii socod iyo soo socod ah.Qiimahaasi oo marka la fiiriyo shirkaddaha caalamiga ah ay aad ugu sareeyaan, waxaana jirta shirkad kale caalami ah oo timaada Hargeysa, oo la yiraahdo Fly Dubia, taasoo aad ugu jaban marka la fiiriyo kuwa Soomaalida, iyadoo qofkii ku tegaya Dubia lacag dhan $400 labada socodba. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at