daajis.com:- Taliska ciidmada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in gantaal ay ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab mid kalana ku dhaawacmeen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.
Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn mana jiro warar ka madax banaan sheegashada Maraykanka.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ah in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeynta ay ka fulinayso gobolka Shabeelaha Hoose, waxana Maraykanka uu qirtey in ciidamadiisa ay ka mid ahaayeen ciidamadii weerarka ku qaaday deegaanka Bariire.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:05 and have
, Published at