daajis.com:- Rasaas xooggan ayaa xalay laga maqlay xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, kaddib markii howl gal ay ku qaadeen guri uu degenaa Wadaad caan ka ah Somaliland, Kaasi oo weerar ku qaaday Cabdi Maxamuud Cumar Madaxwaynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaano RRU ayaa xalay gurigiisa kala baxay Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Aadan Sunne, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada iyo dadkii degenaa xaafada oo diidanaa in ciidamada ay xiraan wadaadka.
Intaas kaddib ciidamada ayaa rasaas ku kala eryay dadweynaha, waxaana markii dambe u suura gashay inay la baxaan Sheekh Aadan Sunne.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekha loo heysto hadal uu maalintii Ciida uu ka sheegay meel fagaare ah, kaasoo uu ku difaacayay dhalinyaro ay xireen Ciidamada Somaliland.
Wadaadkan oo ah aan la gamban hadalada ayaa dhowaan xabsi ka soo baxay, kaddib markii xukuumadda ay cafis u fidisay Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay, waxaana sanadkii hore sidan oo kale gurigiisa ugala baxay ciidamada RRU-da, kaddib markii lagu eedeeyay inuu waday fal kicin bulsho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:33 and have
, Published at