daajis.com:- Laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay Xadhiga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah Culimadawaa weyn ee Magaalada Hargeysa oo xalay ay Ciidamada loo yaqaan RRU-du gurigiisa kala baxeen goor dambe.
Faysal Xiis oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliiska Maamulka Somaliland oo Warbaahinta kula Hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) uu lidi ku ahaa amniga iyo Qaranimda Maamulka Somaliland isla markaana uu magaalada Hargeysa ka waday kicin Dad weyne.
Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in uu madax u ahaa dhalinyaro loo tababarayay Ciidamo oo saldhig ku lahaa banaanka Magaaladdda Hargeysa kuwaas oo uu sheegay in xalay markii la qabanayeyna ay dagaal culus kala kulmeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at