daajis.com:- Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo mucaaradnimada lagu haayo Dowladda Soomaaliya oo wali aana jirsan muddo sanad ah, Waxay sheegeen Dowladda inay wax badan ka qabatay arimo kala duwan, sidoo kalena la tiigsaday horumar.
Waxa ay sheegeen siyaasiyiin xil doon ah inay ka faa’iideysanayaan mucaaradnimada Dowladda Soomaaliya sida ay sheegayaan Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Xaad oo ka hadlay kulankii maanta Odayaasha ay ku yeesheen Muqdisho.
Ugu dambeyn Odayaasha ayaa ku baaqay in aanan laga hor dhicin hadalka Dowladda ee ku aadan muwaadinka la sheegay in loo dhiibay Dowladda Itoobiya, lagana war sugo jawaabta Dowladda arintaasi ay ka bixinayso.
Muddooyinkaan dambe waxaa soo badanaya xubno siyaasiyiin kala duwan oo mucaaradaya Dowladda, kuwaasi oo Baraha Bulshada ku soo qoraya hadalo lidi ku ah dowladda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at