daajis.com:- Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa mar kale si weyn udifaacay dowlada Soomaaliya isagoo xildhibaanada ku kacsan xukuumada ku tilmaamay kuwa xildoon ah.
Waxaa uu tilmaamay in Arrinta Qalbi dhagax ay tahay mid siyaasadeysan isla markaana lagu doonayo in dowlada lagu ceebeysto.
Dhanka kale, waxaa uu si layaableh uga hadlay sababta ka dambeysa inuu taageero dowlada Soomaaliya maadaama uu yahay hogaamiye siyaasadeed.
Mar uu ka hadlayay shaqada laga rabo dowlada ayuu yiri ”dowlada waxaa laga rabaa in lagula xisaabtamo Shabaab, ma ahan in nin Shabaab la shaqeeya lala safto”ayuu yiri.
Salaad Cali Jeelle ayaa dhanka kale dadka uga qosliyay in xiligii uu Xildhibaanka ahaa uu isku dayay inuu mooshin ka keeno Shabaab, laakiin dhamaan xildhibaanadii ay cabsadeen oo ay diideen in Shabaab laga hor yimaado.
HALKAAN HOOSE KA DAAWOFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 08:00 and have
, Published at