daajis.com:- Haweeney 104 ah oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee sanadkan xajinaya, waxaana casuumaad u fidiyay Boqortooyada Sacuudiga.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Mariah Marghani Muhammad ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay sanadkan ka mid noqoto dadka xajinaya.
Mariah Marghani Muhammad ayaa hada ka hor cumreysatay, iyadoo 90 jir aheyd, dalka Indonesia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee Soo xajiya sanad walba
Saraakiil ka tirsan Qunsuliyadda Indonesia ayaa sheegtay in Haweeneydan caafimaadkeeda uu aad u wanaagsan yahay, isla markaana ay awoodo inay xajiso
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka Sacuudiga ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan haweeneydan 104 jir oo ka mid noqotay dadka ugu da’da weyn ee sanadkan xajinaya.
Waxaa uu sheegay in arrin cajiib ay tahay in da’da 104 lagu xajiyo, waxaana ay u rajeyeen haweeneydan inay sanadkan ku xajiso si wanaagsan.
Sanad walba ayaa waxaa Xajka laga diiwaan geliyaa dhacdooyin taariikhi ah, oo soo jiita warbaahinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at