daajis.com:- Waxaa goordhowayd soo gaadhay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole, Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka imaaday magaalada Nairobi oo uu dhowr cisho ka hor uu gaaray, waxaana lagu wadaa inuu saldhigto magaalada Muqdisho.
Warar hoose oo aan hadda helnay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay saacadaha soo socda wada kulmi doonaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin.
Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaara uga wada hadli doona siyaasado hoose oo ku qotoma dhinaca dowlada iyo kacdoono hoose oo ifbaxaaya.
Sidoo kale, Ilo wareedyo hoose ayaa soo warinaaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay wada qaban doonaan kulan ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:54 and have
, Published at