Daawo: Xildhibaano Yahuud ah oo lagu ceebeystay shirkii Baarlamanka dunida

Daawo: Xildhibaano Yahuud ah oo lagu ceebeystay shirkii Baarlamanka dunida

daajis.com:-Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim, oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin


Marzouq Al-Ghanim, ayaa shalay oo Arboco ahayd ku yiri xubnihii matalayay Israel inay hoolka shirku ka socdo bannaanka uga baxaan wuxuuna cod dheer ku yiri.

“Waxaan guddoonka baarlamaanka caalamka u sheegayaa, kuwan u eg inay yihiin xildhibaano ee matalaya dowladda argaggixisada ah ee fuliya fal-kasta oo xun inay bannaanka u baxaan”.

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Waxaad tihiin gumaysteyaal, dilaa ayaad tihiin maatada xasuuqa, carruurta laaya, waxaan u sheegayaa gumaysteyaasha oraahda caanka ah “haddaydnaan xishoonayn waxaad doontaan sameeya”.
Wuxuu kaloo yiri:- Hadday idinku jirto waxyar oo karaamo ah waxaa idiin fiican inaad bannaanka u baxdaan gumaystayaalyohow, baxa!

Al-Ghanim ayaa kulan saxaafadeed uu qabtay markuu soo idlaaday kulankii baarlamaanka adduunka u sheegay warfidiyeennada inuu muujinayay kacdoon ka dhan ah gumaystaha Israel kaddib markii la xiray xildhibaano Falastiini ah oo shirka iman lahaa, wuxuuna hadalkiisii sababay in xubno badan oo shirka caalamiga ah ku sugnaa ay ku taageereen kacdoonka ay muujiyeen xubnihii ka socday dowladda Kuwayt.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Waan u caddaynay waxay yihiin, waxaan kaloo u sheegnay inaysan hoolka shirarka aysan sharci u lahayn inay yimaadaan, taasoo ay nagu taageereen martidii kale ee sharafta lahayd ee goobta ku sugnayd”.

Al-Ghanim wuxuu kaloo intaa raaciyay, “Waxaan si caro-leh ugu sheegay inay boorsooyinkooda qaataan hoolkana ka baxaan”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada