daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa u muuqda in ay heysato laba daran mid dooro, kadib markii Galmudug ay cabasho xoogan ka keentay rag ay ku sheegtay qaswadayaal oo ku soo qulqulaya Magaalada Cadaado, kana wada olole ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo (Xaaf).
Xaaf ayaa u muuqda in hal lug ay u taalo Muqdisho, halka lugta kalena uu kula jiro Cadaado, taasi oo aan kala jeedno in marka Muqdisho uu yimaado uusan fileyn in soo dhaweyn uu kala kulmo Dowladda iyo in marka uu Cadaado ka soo tago uu ka cabsi qabo in doorasho la qabto sidaasina meesha looga saaro.
Waxaa sidoo kale Muqdisho berri ka furamay shirka madaxda maamul goboleedyada, oo haddii uu ka baaqdo uu ka cabsanayo inuu talo ku yeelan waayo go’aanada kasoo baxa, haddii uu yimaadana uu ka baqayo inta uu Muqdisho kusoo maqan yahay in Cadaado qas siyaasadeed looga furo, waa laba kala daran mid dooro.
Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada qaar ee ka tirsan maamulka oo aan u rooneyn Xaaf, maadaama ay xurguf ka dhaxeyso, lagana yaabo marka uu Hoggaamiyaha Galmudug yimaado Muqdisho in ay qabtaan Doorasho Madaxweyne.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Madaxweyne (Xaaf) uu Cadaado ka wado kulamo uu kula tashanayo xubnaha isaga u dhow, waxayna ka wada hadlayaan waxa laga yeelayo arrinta ku aadan shirka Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay macquul tahay in Xaaf uu ka baaqdo shirka Muqdisho, oo uu xoogga saaro loolanka siyaasadeed ee kaga furan Cadaado, inkasta oo aan la hubin.
War-saxaafadeed Galmudug ka soo baxay maalin ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS waxay kaga codsatay in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay uga soo qeyb galaan shirka Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:05 and have
, Published at