daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galaya xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii uu markale ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha.
Farmaajo ayaa Caleema saarka kadib wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka tirsan Madaxweynayaasha ka soo qeyb Munaasabadda Caleema saarka, gaar ahaan Madaxda Ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya.
Kulamada uu Farmaajo la qaatay Madaxda Afrika ayaa wuxuu kala hadlay Howlgalka Ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in ay xoojiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Jommo Kenyatta, waxaana uu ku sii jeedaa dalka Ivory Coast.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Ivory Coast uga qeyb galayaan shir ay ka qeyb galayaan qaar ka tirsan wadamada Afrika iyo Yurub, kaasi oo looga hadlayo iskaashiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed ee dalka.![](https://lh3.googleusercontent.com/blogger_img_proxy/AEn0k_vaVuy09rVsnUwF9sC0atgcZhMOFM11bBr1QPU2Q94S3Xg1ktMuoVcYCddOZxfRcISVGIHx6JUeAgwQy9BC1Vr0KI3ftF5sM5KOcSEQ=s0-d)
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at